Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah geysay Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari si ay u xoojiyaan ciidanka ku jira Dagaalka ka dhanka ah Daacish, sida ay ku warrameen saraakiil katirsan Laamaha ammaanka ee maamulka.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay sida ay saraakiishu sheegeen in ciidan isku dhaf ah oo ka kala tirsan Daraawiishta iyo kuwa Badda ee PMPF loo diray Gobolka Bari, iyaga oo qeyb ka noqonaya howlgallada ka socda dhulkaas buuraleyda ah.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamulkaasi, waxaan uu kula dardaarmay in ay kordhiyaan howlgallada loo diray.
Dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish oo shalay xooggiisu ka dhacay buuraha Cal-miskaad ayaa maamulku sheegay in uu ku dilay in ka badan 20 xubnood.
Puntland waxay sheegtay in dagaalkii Daacish kala kulantay weeraro 9 drones walxa qarxa laga soo buuxiyey, iyada oo tilmaantay inay soo riday dhamaan.
HBN ONLINE TV