Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhexdhexaadinta Itoobiya ee colaadda Laascaanood.

Puntland ayaa markii ugu horreysay waxay si cad uga hadashay dhexdhexaadinta dawlada Itoobiya ka dhex wado dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in maamulkiisu uu soo dhaweynayo waanwaanta Itoobiya ee ku aadan joojinta dagaalka Laascaanood.

“Waxaan sidoo kale uga mahadcelinaynaa dadaalka ay wado dawlada Itoobiya ee ay ku raadinayso dhexdhexaadinta iyo xal oo ay ugu muhiimsan tahay in xabadda laga daayo deegaanada iyo dadka nabdoon, la burburin Isbitaallada, guryaha deegaanka ah, la baabi’in masaajidada, xadgudubka keeni kara isnaca colaada sokeeye in la joojiyo”

ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Siciid Cabdulaahi Deni waxaa kale oo uu jeediyay baaq colaadda Laascaanood ku saabsan waxaana uu yiri: “Waxaan baaq halkan uga dirayaa inkastoo waxgarad fara badan oo reer Somaliland ah ay ka hadleen arrintaas sida ay uga xun yihiin annaguna aan garowsannahay in dadka reer Somaliland aysan ku waafaqin in Sool la burburiyo ama la garaaco, laakiin maamulka Muuse Biixi masuuliyadaas waan kula xisaabtami doonnaa waqtiga, madasha iyo meesha ay ku habboonaato”.

Dhexdhexaadinta Itoobiya ay wado ayaa la sheegay in soo food saartay caqabad aad u weyn oo ku aadan mowqifyada labada dhinac ay kala wataan, maadaama dhanka Garaadada SSC ay ku adkaysanayaan in Somaliland ciidankeeda ay gayso deegaanka Oog markaas ka dibna la wadahadlo, halka Somaliland ay qabto in wadahadalku uu bilowdo iyadoo maamul ahaan gacanta ku haysa Laascaanood.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed