ONLF oo qabaneysa shir ay dib u qiimaynayso heshiiskii ay kula jireen Itoobiya.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi ayaa ku baaqay in ay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadaan golaha dhexe ee Ururkaasi, kaasi oo looga arinsan doono seddex qodob oo xasaasi ah, kuna saabsan axdigii Itoobiya ay la saxiixdeen iyo xaaladda gobolka.

Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Mahdi ayuu ku ballamiyay in ay fadhi aan caadi ahayn isugu yimaadan dhammaan xubnaha golaha dhexe ee ONLF

Fadhiga oo qabsoomi doona 26-ka ilaa 27-ka bishan October ayaa dib loogu qiimayn doonaa heshiiskii dhexmaray ONLF iyo Itoobiya lix sano ka hor oo ku beegnayd sannadkii 2018.

Shirka ayaa sida oo kale dib loogu qiimayn doonaa xaaladda guud ee Itoobiya iyo tan Geeska Afrika iyo in laga doodo istiraatiijiyaddii ONLF ee mustaqbalka gobolkaas ee ay ku hawlgali lahayd.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed