ONLF ayaa si adag uga jawaabay hadal uu shalay jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Jabhadda Soomaali Galbeed ee ONLF ayaa sheegtay in nabaddu aysan aheyn hadiyad loo heli karo si sahlan, waxaana hadalkeeda loo fasiray in uu jawab u yahay hadal uu uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ka sheegay gobolka Soomaalida.

In nabad helo ayaa uruku carrababay inay u baahan tahay in la qadariyo halgamayaashii hore ee guntiga dhiisha isaga dhigay, kuwaa oo nabaddan la haysto keenay.

ONLF ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay ka tagtay oo aysan qadarin sida ay hadalka u dhigtay kuwii doorka muhiimka ah ka soo qaatay in la joojiyo colaadihii mudada dheer socday ee deegaanka & gobolka.

Sidoo kale ONLF ayaa isweydiisay su’aasha ah “Cadaaladda illaa goorma ayaa la sugi donaa” iyaga oo tilmaamay muhiimadda ah in la hirgeliyo cadaalad ka hor inta aysan mar kale colaad soo laba kacleyn.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la hadlay Soomaalida Dowlad Deegaanka ayaa sheegay in nabada Deegaanka laga wada shaqeeyo, lagana wadahadlo wixii dhib ah ee jira.

“Colaad looma baahna ee wada hadla, kheyraadka dhulkiinu wuxuu ku filan yahay Geeska Afrika oo idil” ayuu yiri Abiy Axmed.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli Jabhaddu ay banaanka soo dhigtay sida ay suluugsan tahay Xukuuumadda ka talisa Addis Ababa, ka dib markii dhowr jeer oo hore ay ku eedeysay kala qeybin ay ka wado gobolka Soomaalida.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed