Odayaal iyo waxgarad ka soo jeedo gobolka Awdal oo qaatay mowqif cad oo ka dhan ah in Itoobiya saldhig ciidan laga siiyo gobolkaas

Madax dhaqameed ka soo jeeda degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa sameeyay isku soo bax ballaaran , kuwaas oo si weyn uga soo horjeestay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya. Odayaasha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in deegaankooda ay ka difaacaan duulaanka shisheeye ee ay u arkaan in lagu soo duulay, gaar ahaan saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku doonayaan gobolkaas.

Kulankaas ayaa odayaasha dhaqanka waxay si weyn uga soo horjeesteen qodobadii MOU gaar ahaan kii ku saabsanaa in Itoobiya saldhig ciidan laga siiyo. Waxa ay hoosta ka xariiqeen in go’aannada ku saabsan gobolkooda ay dhici doonin, iyagoo ku nuux-nuux saday inaysan marnaba ogolaan doonin in ciidamada Itoobiya ay soo galaan dhulkooda iyagoon fasax ka haysan.

Muranka ka dhashay saldhiga la doonayo siiyo ciidamada badda Itoobiya ayaa dhaliyay abaabul bulsho oo baahsan oo ka taagan gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay ka dhiidhiyeen wax ay u arkaan xad gudub ku ah madax banaanidooda iyo qaranimadooda. Cuqaasha waxa ay ku celiyeen mawqifkooda adag ee ay kaga soo horjeedaan dhismaha saldhigan ciidan, waxaanay carabka ku adkeeyeen inaanu faa’iido u lahayn guud ahaan dhulka Somaliland.

Iyadoo ay jiraan fikrado kala duwan oo bulshada reer Somaliland ay ka qabaan saldhiga ciidamada badda ee Lughaya, ayaa waxaa soo baxay khilaaf ka dhashay hadalo ka soo yeeray saraakiisha Itoobiya oo tilmaamaya goobta loo qorsheeyay. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa isku dayay inuu joojiyo cabashadaas, waxaanu sheegay in aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin goobta laga dhisayo saldhigaas, isagoo beeniyay wararka sheegaya in laga dhisayo magaalada Lughaya,

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed