NISA oo gacanta kusoo dhigay shabakad doonayay in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho

Cidanka Hayadda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay shabakad ka tirsan kooxda Alshabaab, kuwaas oo ku howlanaa sida hadalka loo dhigay in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in la soo qabtay labo xubnood oo lagu kala magacaabo, Nuur Muxudiin Jabriil iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, kuwaas oo xilliga gacanta lagu dhigay sida la tilmaamay ku howlanaa in ay soo gelinayeen magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo boodda ah, 5 nooca dhejiska ah iyo 2 bambo oo F1 ah.

Sidoo kale, howlgal NISA ay ka sameeysay degmada Dharkeynley ee isla Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qabtay xubin seddexaad oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi oo Alshabaab dhexdooda looga yaqaanay Macruuf yo Cali fowdo, kaas oo dhawaan sida la carrabaaby ay kooxdu u soo direen magaalada Mugdisho si uu falal howlahooda uga fuliyo.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleystay in uu soo afjaro siduu hadalka u dhigtay Shabakadihii Alshabaab ee qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed