Nisa oo gacanta ku dhigtay gaari laga soo buuxiyay qaraxyo duleedka Muqdisho

Ciidanka hay’adda nabad-suggidda Soomaaliya ayaa howlgal ka sameyay deegaanka Ceelasha Biyaha kaas oo dhaca duleed caasimad ee Muqdisho, howlgalkan ayaa lagu dilay xubin ka tirsan Al shabaab, ruuxaan ayaa watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa sida ay ay shaacisay hey’adda Nabad-sugidda Soomaaliya.

Nisa  ayaa sheegtay in ay  ku guuleysatay inay disho ninkaas oo dabagal ay ku heysay,iyadoo gacanta ku dhigay  gaarigii ay qaraxyada ku soo rareen Al shabaab oo ay doonayeen inay ku weeraraan dowladda Soomaaliya, Nisa ayaa intaas raacisay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howgallada looga hor tagayo weerarada ay qorsheynayaa kooxda Al shabaab.

Muddooynkii hey’adaha amaanka ayaa sameynayay howlgallo ka dhanka ah Al shabaab deegmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaannada ku yaal duleedka magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed