Nin looga shakisan yahay in uu hubaysnaa oo dilay laba qof oo Swedish ah ayaa booliisku toogasho ku dhaawaceen

Booliiska Belgian ayaa toogasho ku dhaawacay 45 jir u dhashay dalka Tunisia oo looga shakisan yahay in uu labo qof oo iswiidhish ah ku dilay ciyaar kubbadda cagta ah oo ka dhacday Brussels Isniintii, idaacada RTBF ayaa ku warrantay barteeda internetka.

Wasiirka arrimaha gudaha Annelies Verlinden ayaa mar sii horreysay sheegtay in ninka dhaawaca ah looga shakisan yahay inuu yahay ninkii hubeysnaa ee falkaas fuliyay. wuxuu sheegay in lagu toogtay meel kafateeri ah.

Labo muwaadin oo u dhalatay dalka Sweden ayaa habeenkii Isniinta lagu toogtay bartamaha magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halka qof saddexaad uu ku dhaawacmay, muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay mas’uuliyadda nin sheegtay inuu ka tirsan yahay ururka Daacish.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed