Nin kamid ah rag Al shabaab ula goostay gaari ay leedahay Jubaland oo gacanta ay ku dhigtay hey’adda NISA

Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu qabtay Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa seddex nin oo Janaayo 2023 gaari Hardtop ah kala goostay wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland, kuwaas oo u galay Al shabaab, balse dabagal dheer kadib Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay Xasan.

Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa October 2023, sidaan oo kale waxay Muqdisho ku qabteen Cabdifataax Nuur iyo Xasan Cabdullaahi oo ninkaan hadda lasoo qabtay la socday, kalana shaqeeyey inay gaarigaas la goostaan, si madaxda Al shabaab ay uga iibsadaan.

Soo qabashada raggaan ayey NISA ku sheegtay qoraal kooban ” waxay muujineysaa in kuwa dhagarta maleegaya aysan ka baxsa karin gacanta hey’adaha ammaanka Soomaaliya oo meel kasta lagu qaban karo”.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed