NATO oo bilowday dhuulatus hubka nukliyeerka qayb ka yahay.

Gaashaanbuurta NATO ayaa maanta bilowday dhoolatuskeeda sanadlaha ah ee Nukliyeerka, ee loogu magac daray Steadfast Noon, oo ay ka qeyb qaadanayaan ilaa 2,000 oo askari, waxaana uu ka kala socda sideed saldhig oo ciidamada cirka ah iyadoo ay ka qayb qaadan doonaan in ka badan 60 diyaaradood, oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee awooda inay qaadaan madaxyada hubka Nukliyeerka ee Mareykanka.

Carbiskan ciidan ayaa loo qorsheeyay inuu sii socdo muddo laba toddobaad ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay isbahaysiga reer Galbeedka.

“Ka hortagga hubka Nukliyeerka waa tiirka amniga ee Isbaheysiga, waxaana ay fariin cad u diraysa cid kasta oo ka soo horjeeda NATO iyadoo lagu xaqiijin doono difaaca dhamaan xulfada” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte oo saxaafadda la hadlay.

Dhoolatusyada sanadkan waxaa ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Beljamka iyo Nederland, iyada oo dhaqdhaqaaqyo dheeraad ah laga sameeyay hawada Danmark, UK, iyo Badda Waqooyi.

Diyaaradaha dagaalka Holland ee F-35A ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inay diyaar u yihiin inay qabtaan door adeegsiga hubka nukliyeer ah.

Bayaanka NATO ayaa mar kale lagu celiyay ku dhawaaqistii Shir Madaxeedka Washington, iyadoo lagu yiri “ujeedada aasaasiga ah ee awoodda nukliyeerka ee NATO waa in la ilaaliyo nabadda, ka hortagga handaadda iyo gardarrada.

Waxaa lagu xusay bayaanka in “ilaa inta uu jiro hubka Nukliyeerka, NATO ay ahaan doonto isbahaysi leh Nukliyeer.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed