Muslimiinta Yurub oo ka cabanaya takoor & faquuq xooggan

Ku dhawaad kala bar dadka Muslimiinta ah ee ku nool qaarada Yurub ayaa la kulma cunsuriyad iyo takoor dhanka nolol maalmeedkooda ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aasaasiga ee Midowga Yurub ee magaceeda loo soo gaabiyo FRA.

Warbixinta oo la soo saaray maalmo ka hor ayaa lagu saleeyay xogta sanadkii 2022, waxaana ay muujisay koror xooggan oo la xiriira nacaybka Muslimiinta oo kordhay 47%, halka sanadkii 2016-kii falalkaasi ay ka ahaayeen 39% iyadoo dadka Muslimiinta ay ka cabanaya nacaybka iyo takoorka ay la kulmayaan oo xad dhaaf noqday.

Daraasadda ayaa iftiimisay caqabadaha isa soo taraya ee haysta Muslimiinta ku nool guud ahaan dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan xagga shaqada iyo guryaha.

“Muslimiinta inta badan waxay la kulmaan takoorid marka ay shaqo raadinayaan 39%, sidoo kale marka ay ku sugan yihiin goobaha shaqada 35% waxay sheegeen in la faquuqo ama la takooro.

Xogta ayaa sheegtay in arrimahan ay saameyn xun ku leeyihiin meelaha kale, sida guryaha, waxbarashada, iyo daryeelka caafimaadka.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in dumarka xiran dharka diiniga ah ay la kulmaan midab takoor ka badan kuwa aan xiran dharkaasi, gaar ahaan marka ay shaqo raadsanayaan, waxaana heerkan uu gaadhay 45% sanadkii 2022 halka uu ka ahaa 31% sanadkii 2016, dumarka da’doodu u dhaxayso 16-24 ayaa la kulma dhacdooyinka ugu sarreeya ee takoorka 58%.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed