Muqdisho oo Maanta ku Jirto Jawi Ka Beddelin Kii Hore

Muqdisho oo maanta laga maamusiyo 63-da guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobolada koofureed ee Soomaaliya, waxana ka socda caasimada dabbaal degyo waa weyn taniyo xalay xilligii dambe, Madax, shacab, iyo dhammaan qeybaha kala dwaun ee bulshada ayaa isku imaanaya meel loogu tala galay in lagu dhigo munaasabaddaan.

Ciidamada dolwadda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ammaanka ayaa 48 saac ee la soo dhaafayay muqdisho ka waday howlgallo xooggan oo lagu hubinaayo ammaanka munasaabaddaan ku weyn ummadda Soomaaliyeed, isgooyada, waddooyinka soo gala magaalada, sida waddada Maka Al  mukurama, tan soddonka, ayey ciidamadu siyaabo kala duwan uga wadddaan baaritaanno culus.

Waddooyinka qaarkood ayaa xiran sabbaba la xiriiro ammaanka madaxda ka qeyb galeyso munnaasabadda, inta badan dadweynaha ayaa saakay ilaa maanta lugeynaya, kuwaas oo inta badan goobaha shaqadooda ku tagay lug, waana shaqaalaha aanan ka tirsaneyn dowladda.

Dhinaca kale roobab mahiiggaan ah ayaa ilaa iyo shalay xalay iyo saakaba ka da’ayay magaalada muqdisho iyo deegaannada ku xeeran, taasina waxay keentay in dadweynuhu ay ku dhex socdaan magaalada, maaddaama waddooyinka qaar ee mara wadnaha Caasimadda aysan ka shaqeyneyn wax gaddiiid ah.

Muqdisho ayaa kulansatay maanta jawi roobaad, cimilo diiran oo lagu daray dabbal-degga  munnaasabadda 1-da Luulyo, kumanaan qof ay si muuqato iyo si maldahan iskugu hambalyeynayaa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed