Muqdisho oo laga diiday isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah

Qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa saaka laga dareemay isbeddel dhaqaale oo degdeg ah, kadib markii ganacsatada yar yar, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ganacsi ee hoose ay diideen qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga, gaar ahaan Kunka shilin oo ahayd tii ugu dambeysay ee si weyn loo isticmaalayay.

Lacagtan ayaa muddooyinkii dambe si gaar ah ugu tiirsanaayeen dadka danyarta ah, iyadoo lagu bixin jiray adeegyada aasaasiga ah sida gaadiidka iyo raashinka. Wadayaasha gaadiidka dadweynaha qaar ka mid ah ayaa sheegay in kaalimaha shidaalka ay ku wargeliyeen inaysan aqbali doonin lacagta Kunka shilin, taasoo saameyn ku yeelatay habkii ay u shaqeynayeen adeegyada gaadiidka.

Dhanka kale, gobollada dalka intooda badan ayaa horey uga baxay isticmaalka shilinka Soomaaliga, iyadoo shacabka ay si buuxda ugu wareegeen lacagta danabeysan ee mobile-ka oo hadda lagu bixiyo inta badan adeegyada maalinlaha ah, inkastoo dowladda ay ku soo rogtay canshuur 5% ganacsiga caasimada.

Khubarada dhaqaalaha ayaa tilmaamaya in arrintani ay muujinayso hoos u dhaca kalsoonida lacagta maxalliga ah iyo baahida loo qabo nidaam lacageed oo xasilloon.

Si kastaba, weli ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka gobolka Banaadir oo ku saabsan diidmada cusub ee lacagta shilinka, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo mustaqbalka nidaamka dhaqaale ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed