Mid kamida ah saraakiishii ugu sareysay ciidamada Soomaaliya & xubno kale oo lagu dilay maamulka Koofur Galbeed

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Maxamed Nuur oo loo yaqiinay (Maxamed Dheere) iyo ciidamo kale oo la socdey. Qaraxaan ayaa dhacay ka dhacay deegaanka inta u dhaxeysa magaalooyinka Awdiinle iyo Berdaale ee gobolka Baay, halkaas oo howlgallo ka wadeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed.

Xeeladan ayaa inta badan waxaa isticmaala kooxaha ka soo horjeeda ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi, iyadoo ujeedka uu yahay in la carqaladeeyo dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo cabsi la geliyo dadka deegaanka, weerarkaan lagu beegsaday sargaalka iyo ciimada la socday ayaa si weyn laa hadal hayaa.. Qaraxa ayaa dhacay xilli saraakiisha iyo ciidamada ay ka jawaabayeen baaq taageero ah oo uga yimid ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada halkaasi.

Sargalkan la dilay, ayaa hadda ahay taliyihii guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wararka hordhaca ah ee aan helnay ayaa sheegay in uu ka soo laabtay howlgal ciidan, isla markaana wadada loogu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxana la socday ciidan ilaaalo u ahay iyo saraakiil kale oo aanan la magacaaabin.

Kahor inta aanan la dilin , warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay mar uu ku jiray howlgallo uu hoggaaminayay oo ka socday,waddooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed