Meydadka nin iyo xaaskiisa hore oo laga helay magaalada Muqdisho

Meydadka nin iyo xaaskiisa hore ayaa lagu arkay gaari nooca aan xabadu karin oo la dhigay agagaarka Tiyaatarka Qaranka Sabtidii, taasoo argagax ku beertay shacabka iyo maamulka.

Sida ay sheegeen ehelada meydadka waxaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle, kuwaasi oo la la’aa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay. Duruufaha ku xeeran dhimashadoodu ma cadda iyo sababta.

Marxuumka ayaa magacaabi jiray Ibraahim ayaa la sheegay inuu darawal u ahaa Maxamed Zubeer oo ahaa Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Cabdulqaadir Cabdulle oo ah aabaha dhalay haweeneyda geeriyootay ayaa warbaahinta u sheegay in muddo saddex maalmood ah ay baadi goobayeen gabadhiisa ka hor inta aysan ogaan meydkeeda oo uu la socday ninkeedii hore oo gaariga saarnaa.

Meydadka ayaa la geeyay xarunta CID-da, si baaritaano loogu sameeyo sababihii ka dambeeyay dilka. Dhanka kale, ehelada marxuumiinta ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in cadaaladda la horkeeno, si ay jawaabo iyo isla xisaabtan uga helaan geerida naxdinta leh.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed