Maxuu yahay xiriirka iskaashi ee dhexmaray Pakistan iyo Itoobiya xilli la soo hadal qaaday muranka Badda Cas ee Muqdisho iyo Adis Ababa

Itoobiya iyo Pakistan ayaa ka wada hadlay iskaashiga badda iyo amniga gobolka, kulan dhexmaray Jemal Beker Abdula, Safiirka Itoobiya ee Pakistan iyo Admiral Naveed Ashraf, Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan, kaasoo dhacay Talaadadii.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira iskaashiga badda iyo istaraatiijiyadda kor loogu qaadayo amniga gobolka. Ambassador Jemal Beker Abdula waxa uu iftiimiyey heshiiska ay Itoobiya dhawaan la gashay Somaliland, isaga oo ku nuux-nuux saday inay u hoggaansamaan xeerarka caalamiga ah. Wuxuu hoosta ka xariiqay dadaalka Itoobiya ee lagu horumarinayo isku xirka iyo horumarka loo siman yahay ee gobolka oo dhan iyadoo loo marayo hindisaha badda.

Sidoo kale, danjire Abdula ayaa uga warbixiyey Admiral Ashraf doorka Itoobiya ee horumarinta walaaltinimada iyo iskaashiga dalalka Afrika, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay waddanku horumarinta Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa xiligan wajaheysa cadaadis kaga imaanaya dalal kala duwan oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Britain oo ku aadan heshiiskii dhanka badda ee ay la gashay maamulka Somaliland. Inkasta oo uu cadaadisku jiro, haddana Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa inay ka go’an tahay heshiiskaas, isla markaana ay taageero u raadinayso dhaqan-gelintiisa.

Kulanka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Pakistan ayaa muujinaya xiisaha sii kordhaya ee iskaashiga badda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed