Maxkamadda sare ee Kenya oo ka hor timid go’aan dowladdu ay dooneysay in ciiadamo nabad ilaalin ah ay dirto

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa hor istaagtay qorshe ay dowladdu ku doonaysay in ciidamo booliis ah loogu diro Haiti ama dal kale inta dacwadda laga dhageysanayo.

Garsooraha ayaa sheegay in qodobada lagu soo bandhigay codsigaasi ay yihiin kuwo muhiim u ah qaranka iyo danta guud ugu jirto.

Mid ka mid ah dacwoodayaasha oo ah musharaxii hore ee madaxweynaha Ekuru Aukot ayaa sheegay in soo jeedinta la soo jeediyay ay tahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka.

Waxaa lagu dooday in ay jirto calaamad su’aal ah oo ku saabsan in booliis caadi ah dhab in ahaantii loo diri karo hawlgallada caalamiga ah.

Mr Aukot ayaa intaa ku daray in dalka uusan awoodin in laga diro 1,000 askari ka hor inta aysan wax ka qaban amni darada dalka ka jirta.

Todobaadki hore ayay ahayd markii rabshado isir naceyb ah ay ka dhaceen galbeedka Kenya ay ku dhinteen 7 qof.

Dhowaan ayay ahayd markii gobolka xeebta ah ee Lamu ay weerar ku qaadeen ururka al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya. Deegaanka ayaa hadda waxaa saaran bandow.

Wasiirka arrimaha gudaha oo Axaddii hadlay ayaa ku nuux-nuux saday in ciidamada la soo dirayo aysan waxba u dhimi doonin  amniga dalka.

Maxkamaddu waxay soo saari doontaa tilmaamo dheeraad ah dhammaadka bishaan Oktoobar.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed