Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay askari horay dil ugu geystay gobolka Mudug

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa  dil toogasho ah ku fulisay askari horay dil ugu geystay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Sida ay sheegtay Maxkamadda Wareegtada, Shariif Abshir C/raxmaan Jaamac ayaa lagu helay dilka Saciid Cabdi Shabeel oo ka dhacay degmada Xarardheere September 11, 2023, waxaana xukunka dilka ah uu ka dhacay degmada Xarardheere.

Xeer Ilaaliyaha ayaa ku dhawaaqay, “Tani waxay fariin u tahay ciidamada xoogga dalka oo ah inay cadawga bartilmaameedsadaan oo aysan midba midka kale beegsan.”

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horay xukunno ugu ridday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo dhibaatooyin u geystay dad shacab ah iyo askar kale.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed