Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kiiska dilka ah ee loo geystay Wariye A/kariin Axmed Bulxan, iyadoo Maxkamadda Gobolka Galgaduud ay ku xukuntay Askariga dilka geystay.
c/kariin Axmed Bulxan oo ka mid ahaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala warbaahinta dowladda ayaa si naxdin leh loogu dilay magaalada Caabudwaaq March 14, 2024.
Warar ay heshay warbaahinta dowladda ayaa sheegaya in dambiilaha ka dambeeyay dilka wariyaha lagu magacaabi jiray CabdiXakiin Axmed Cigaal oo ilaalo u ahaa. Dhegeysiga dacwadda maxkamadda ayaa lagu helay in marxuum Cigaal uu qirtay dilka marxuumka oo 13-kii bishii March ka dhacay magaalada Caabudwaaq.
Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, waxay xeer ilaalintu soo bandhigtay cadeymo adag oo ay ku soo oogtay Cigaal, taasoo keentay in lagu xukumo dilka Marxuum A/kariin Axmed Bulxan. Inkasta oo qareenkiisu uu ka codsaday dabacsanaan, maxkamaddu waxay ugu dambeyntii dooratay inay soo rogto ciqaab dil ah, iyada oo u aragta ciqaab ku habboon culeyska dembiga.
HBN NEWS DESK