Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale dib u bilaawday dhageysiga dacwadda xasaasiga ah ee loo heysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay inuu gubay Xaaskiisa oo Xaamilo ahayd, Marxuumad Luul C/casiis Maxamed.
Dhageysiga dacwadda ayaa saaka mar kale ka bilaabatay xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo ay si aad ah u hadal hayeen Warbaahinta, maadaama ay tahay kiis xasaasi ah oo si weyn loo hadal haayo.
Dhageysiga dacwadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay ehelada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaaliyeyaal waxaana sii socday dacwadda iyadoo marqaatiyaasha ay soo bandhigeen xaqiiqooyin ku xeeran kiiskaan.
Kalfadhigii ugu horeeyay Luul Cabdicasis caruurteedu waxay maxkamada horteeda uga markhaati furtayFarxiyo Cabdirisaaq oo ka mid ah caruurtii ay dhashay Luul oo 10 jir ah waxayna si geesinimo leh uga sheekaynaysay dhacdooyinkii foosha xumaa ee ay goob joog ka ahayd, waxayna ka warantay sida ay u aragtay hooyadeed oo holcaysa.
Sayid Cali ayaa sidoo kale ka soo muuqday fadhiga Maxkamadda, iyadoo kiiskiisa mar labaad la dhageysanayo, waxaana u doodaya qareenka u doodaya Cali Xalane.
Haddii lagu helo dambigaas, Sayid Cali waxaa lagu fulin doonaa dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay fadhigii hore ee maxkamadda Saalax Daban. Sidoo kale waxaa la filayaa in Maxkamadda Gobolka ay maanta go’aan ka gaarto kiiska ninkan oo si weyn uga xumaadeen shacabka Soomaaliyeed.
Dhageysiga dacwadda oo sii socota ayaa indhaha oo dhan waxa ay ku sii jeedeen Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dooneysa in ay cadaaladda u qabato Luul Cabdicasis iyo qoyskeeda oo murugeysan.
HBN NEWS DESK