Maxkamad ku taal Somaliland oo xukunno kala duwan ku riday rag u dhashay dalka Itoobiya kuwaas oo lagu soo oogay in ay ka ganacsanayeen Maandooriyaha

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa afar ruux oo Itoobiyaan ah ku xukuntay xukunno kala duwan kuwaas oo gaaraya  lix illaa siddeed sano oo xarig ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha gudaha Somaliland, kuwaas oo la horgeeyay Maxkamadda.

Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa raggan gacanta ku soo dhigay xilli ay ku gudo jireen arrimahaa lagu eedeeyay, halka qaarkoodna ay sarqaansanaayeen, sida ay sheegtay Maxkamadda.

“Maxkamaddu waxay laba ka mid ah ku xukuntay siddeed sannadood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan laba milyan oo shilinka Somaliland ah midkiiba, oo ay tahay inay bixiyaan, labada kalena waxa lagu xukumay lix sannadood oo xarig ah, waxa kale oo lagu xukumay inay bixiyaan min-hal milyan shilin oo Somaliland ah,oo ganaax ah, ” Garsooraha ayaa kaga dhawaaqay warbaahinta.

Sidoo kale, Qaadiga Maxkamadda ayaa xusay in ragga la xukumay ay magacyadooda beddeleen oo ay sheegeen inay yihiin Muslimiin, iyadoo ay u dheer tahay inay si sharci-darro ah ku soo galeen Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed