Maxkamad ku taal Muqdisho oo markii labaad eedo cusub iyo dacwad ku soo oogtay nin ku eedeysan dilka xaaskiisa kaasoo markii ugu horresay bannaanka keenay xog cusub

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo gabagabaysay dhegaysigii 2aad kiiska eedesane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu xaaskiisa nolasha ku gubay,  markii labaad maxkamadda gobolka Banaadir waxaa la horkeenay eedeymo kala oo hor leh.

Dhageysiga dacwadda ayaa saaka mar kale ka bilaabatay xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo ay si aad ah u hadal hayeen Warbaahinta, maadaama uu yahay kiis xasaasi ah oo si weyn isha loogu hayay.

Dhageysiga dacwadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay ehelada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaaliyeyaal waxaana sii socday dacwadda iyadoo marqaatiyaasha ay soo bandhigeen xaqiiqooyin ku xeeran kiiskaan

Dood dheer kadib, Sayid Cali  oo  ah eedeysanaha ayey maxkamaddu siisay fursad uu isku difaaco, ayaa sheegay habeenkii uu falku dhacayay in xaaskiisa ay isku dhaceen, ka dib markii ay ka dalbatay sida uu sheegay ‘furriin’.

Waxa uu sheegay markii xaaskiisu ay furriin ka dalbatay in uu bannaanka aaday oo uu soo gatay naafto, una sheegay xaaskiisa inuu gubayo alaabta guriga u taala. Waxa uu ku doodday in xaaskiisa aysan isaga gacantiisa ku guban, balse ay ku gubatay dabka uu qabad siiyay guriga.

Gabagabadii guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in maxkamaddu fadhi saddexaad ay ka yeelan doonto ka doodista kiiskaan, isla markaana ay soo sheegi doonaan waqtiga.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed