Maxkamadda gobolka Sool ee fadhigeedu yahay Laascaanood ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Mowliid Maxamed Jaamac ah oo 24-kii bishii hore Laascaanood ku dilay marxuum Maxamuud Cali Muuse oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka SSC Khaatumo.
Goobta fagaaraha ah ee dilka uu ka dhacay ayaa waxaa yimid dadweyne kala duwan kuwaaas oo ka soo qeyb galay, isla markaana waxaa ay soo dhaweeyeen tallaabadan, iyaga oo ku sheegay in ay yareen karto dilalka ka dhaca deegaannada maamulka SSC khaatumo, kuwaas oo soo badanayay muddooyinkii dambe.
Maxkamadda ayaa labo maalin ka hor Mowliid ku riday xukun dil ah, waxaana maanta Isniin ah laga oofiyay xadkii qisaasta marxuum Maxamed Cali Muuse.
Allaha u naxariistee Kornayl Maxamuud Cali Muuse waxa uu kamid ahaa saraakiisha Maamulka SSC-Khaatumo ee billowgii sanadkii hore 2023 gacanta ku dhigay Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo in muddo ah ay maamulaysay Somaliland.
HBN NEWS DESK