Maxkamad ku taal Hindiya oo baaritanno dhanka da’ada ah ku sameysay koox Soomaali ah oo ku eedeysan burcad-badeeed kaddib markii ay sheegeen in aysan qaan gaarin

Booliska Mumbai ee dalka ayaa war cusub ka soo saartay raggii Soomaalid ahay ee ku eedeeysanaa burcad-badeednimada kuwaas oo ku xiran dalkaas laguna waddo in maxkamada la soo taago.

Booliiska ayaa shaaca ka qaaday in 8 qof oo Soomaali ah oo loo soo qabtay afduubka markab ganacsi ay da’doodu ka weyn tahay 18 sano jir, sida lagu ogaaday baaritaanno la sameeyay.

Habkan, oo go’aaminaya da’da ayaa baaritaan casri ah lagu sameeyay, waxaa la ogaaday in laba eedaysane oo da’doodu tahay 21, halka kuwa kalena ay u dhexeeyaan 19 iyo 20.

Shakhsiyaadkan oo markii hore sheegay in ay ahaayeen carruur aan qaan-gaarin, ayaa ka mid ahaa 35 qof oo la soo qabtay kaddib howlgal ka dhan ah burcadbadeedda oo ay fuliyeen ciidamada badda Hindiya 16-kii bishii Maarso, 2024-kii.

26-da eedaysane ee kale ayaa lagu hayaa xabsiga kadib markii ay maxkamadu ku amartay booliska in 8 eedaysane la horkeeno golaha cadaalada caruurta (JJB).

Kooxda ayaa wajahaysa eedeymo la xiriira afduub, baad iyo shir sharci darro ah ka dib markii ay amar ku bixiyeen in markabka MV Ruen ay ka dalbadeen lacag madax furasho ah oo dhan $60 milyan. Hawlgal qaatay muddo, ayay Ciiddanka Badda ku fureen Markabka iyo 17-shaqaale ah oo la socday, wax dhibaato ah  aysan soo gaarin.

Booliisku waxay sii wadaan baaritaanka shaqsiyaadka la xiray doorkii ay ku lahaayeen arrintan iyo suurtagalnimada afduubyo kale, iyadoo ujeedadu tahay in la burburiyo shabakadooda dambiyada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed