Maxay yihiin arrimaha muhiimka ah ee Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya uu kala hadlay qurbajoogta dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, isagoo kala hadlay xaaladda dalka iyo horumarka dalka.

Intii uu socday kulanka, Saalax ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay dowladda Federaalka iyo caqabadaha hortaagan, isagoo tilmaamay dadaallada socda ee lagu xoojinayo amniga, xasilloonida, dowladnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu bogaadiyay doorka iyo doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dalkooda hooyo, wuxuuna kula dar-daarmay inay sii wadaan howshooda iyo ka qayb-qaadashada geeddi-socodka horumarka dalka.

Saalax ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii loo abuuri lahaa jawi wanaagsan oo dib u soo laabashada iyo dib u celinta Soomaalida, isla markaana ay u heli lahaayeen fursado maalgashi oo ay dalka kaga shaqeystaan.

Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay qiimeyneyso talooyinka iyo aragtida qurbajoogta Soomaaliyeed, ayna soo dhaweyneyso tallooyinka  ay soo jeedinayaan ee ku aaddan sidii xaaladda loo hagaajin lahaa, waxna looga qaban lahaa baahiyaha iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed