Maxay tahay sababta Madaxweyne Xasan Sheekh ugu safrayo Itoobiya?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya uu dhawaan safar ku tagi doono, isla markaana shirar xasaasi ah oo kala duwan uu kaga qeyb galayo halkaas.

Warbixintaan oo ay sii deysay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugnaa Jubaland waxaa uu sheegay in qorshaha socdaalkiisu uu daaran yahay,  seddex shir oo muhiim u ah dalka uu ka qeyb gali doono, asaga iyo wafdi u hoggaaminayo, shirkaas ayaa waxaa imaanaya madaxda Midowga Afrika, IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in shirarkaas ay geyn doonaan fariin ku aaddan madaxbannaanida dowladda Soomaaliya, isla markaana aanan lagu soo xad-gudbi karin, xilli Addis aysan ka laaban damaceeda Badda Soomaaliya. Waxa uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya aysan wali ka tanaasulin go’aankeeda, aysan aqbali doonin faraglinta Itoobiya.

Warkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya taniyo shishiiskii is-af-garadka ahaay ee  muranka dhaliyay, kaasoo horraantii bisii hore ay kal saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed