Maxay tahay sababta DFS uga saartay Ciidamadeeda Raas-Kambooni ?

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Ciidamada Federaalka ay ka baxeen Maagalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo Axmed Madoobe ku eedeysay inuu dagaal ku soo qaaday Ciidanka oo xilligaasi aan amar dagaal qabin.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ee ku sugnaa magaalada Raaskambooni ay u joogeen si ay u xaqiijiyaan amniga goobihii ay ka baxeen ciidanka ATMIS.

Qoraalka ayaa wasaaraddu ku andacootay in sababta looga saaray ciidamada halkaasi ay aheyd badbaadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamada Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada Hoose in ay kala wareegaan ATMIS in ay halkaas dib uga baxaan” ayaa lagu yiri bayanka.

Waxaa lagu sii daray warka “Tallaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaaliyeed oo dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay. Ciidamada Xoogga Dalka ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta, waxaana ka go’an in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka, Dadka iyo Diinta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Maamulka Jubbaland ayaa hore u sheegay in ciidamadooda ay la wareegeen magaalada Raaskambooni oo ay hore ugu sugnaayeen ciidanka dowladda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed