Maxay kawada Hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muqdisho ( Hbn tv)-Madaxweynaha  Dowladda  Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay, Madaxweynihii uu talada kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Labada Masuul ayaa kawada hadlay xaaladda dalka halka ay mareyso, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka warbixyay qorsha dowladda iyo dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in u diyaar u yahay garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, waxana uu la wadaagay Madaxweynaha tallooyin kala duwan.

kulankaan ayaa ku soo aaday Xilli Wafdi ballaaran uu u hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ku sugan yihiin dalka qatar, oo ah kaga qeyb galayaan Shirka 5-aad ee Qaramada Middoobay ee loogu talagalay waddamada soo koraya sida Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed