Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kusimaha ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kala gaar gaar ah ula kulmay  ku-simaha ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Christopher Swan oo dhawaan dalka yimid.

Madaxweyne Maxamuud iyo Swan ayaa ka wada hadlay dardar gelinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bini’aadantinimo, nabadda iyo amniga.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Danjire James Swan dadaallada ay dowladdu waddo ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada, horumarinta dhaqaalaha, iyo guud ahaan horumarinta dalka, isagoo u muujiyay sida uu u jecel yahay in Swan uu si hufan u guto waajibaadkiisa cusub,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Imaatinka Swan ayaa yimid ka dib markii ay Soomaaliya si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in ay joojiso shaqada UNSOM ee dalka ka dib markii si qoto dheer loo tixgaliyay mudnaanta istaraatiijiyadeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed