Xildhibaan Maxamed Abiib oo maanta Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka hadlay xarigii 20-ka cisho ka badan qaatay ee xukuumadda Somaliland ugu xirnaa iyo sabaabaha loo xiray, isaga oo eedeymo kalul kala dul dhacay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu sheegay sida uu hadalka u dhigay in uu xarigiisa ka dambeyey.
Maxamed Abiib oo shaaciyey in uusan wax dambi ah galin oo sababi karay in uu xarig ku mutaysto ayaa sheegay in marnaba aragtidiisa aanay ka hor istaagi karin sida hadalka uu u dhigy in xarig iyo cagaha jugleyn lagu handado.
Si gaar ah ayuu ugu eedeyey Maxamed Abiib in uu xarigiisa ka dambeeyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixe. Xildhibaanka ayaa xarigiisa ku macneeyey sida uu isagu qabo mid dadka dega gobolka Awdal uu si dad badan ugula hadlayey Madaxeynuhu.
Shacabka gobolka Awdal ayuu ugu baaqay in codka kalsoonida kala laabtaan xisbiga madaxaweynaha, isaga oo faray in codkooda sida carrabaabay ay kaga aarsanaad.
Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa 2-dii bishii hore ee Septembar waxaa magaalada Hargeysa ka xigay ciidamada Somaliland, kuwaa oo Xabsiga weyn ee mandheera ku hayey 28 cisho, waxaana goor dambe warqad siideyn ah u jaray Maxkamadda sare ee Somaliland.
HBN ONLINE TV