Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar hal maalin qaadan doono ku tagay maanta ku tagay magaalada Jabuuti ee Casiimadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaasha ay ka wadahadli doona xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.
Sida oo kale waxa inta fadhigan gaarka ah leeyihiin labada hoggaamiye ay ku gorfeyn doonaan iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.
Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la isku soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Waxyaabaha ugu waa weyn ee miiska saaran ayaa waxaa ka qeyb ah ciidamada Jabuuti oo fursad kale u helay in 12-ka bil ee soo socda howlgalka AUSSOM ku sii jiraan, iyada oo laga yaabo dhinacyadu eegaan sida loo heli doono qaab kale oo dhinacyadu u howlgalaan.
HBN ONLINE TV