Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel-gaarka ah ee maamulka Jubbaland, ka dib ka qeyb galkii shirkii golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho.
Axmed Madoobe oo isaga baxay shirka golaha oo aan ilaa hadda wax war ah ka soo bixin ka dib furitaankiisii ayaa laabashadiisa muujineysa tuhun ah in la isku fahmi waayey qeybo ka mid ah qodobada shirka oo wakhti aad u badan qaatay.
Shirka golaha ee ka furmay Muqdisho 2-dii bishaan Octobar ayaa qorashuhu ahaa in uu socdo muddo laba maalin ah, balse waxaa aan wax war ah ka soo bixin oo ku aadan qodobada lagu hesiiyey Villa Soomaaliya, halka aanay ka hadlin nuxurka kulankii golaha wadatashiga Qaran, kuwaa oo sida aan xog ku helnay qorshaha dowladda diiday.
Ilo wareedyo ka ag dhawaa shirka oo warbaahinta si hoose ula hadlay ayaa sheegay in shirka uu noqday mid madaxda qaar ay keeneen qodobo u laqmi waayey Villa Soomaaliya, taasi oo sabab u aheyd in muddada wakhtigiisii uu dhaafo.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in uu madaxda ka qeyb galeysay shirka uu hor dhigay in miiska la keeno madaxda Puntland iyo SSC-Khaatumo, halka xogtu intaas ku dareyso in uu ku adkeystay sida oo kale in aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah, isla markaana maamul goboleedyada doorashooyinkoodu qabsadaan.
Shirka golaha wadatashiga oo Arbacadii hore ah Muqdisho uu ka furay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in looga hadlo arrimaha siyaasadda, dhameystirka hannaanka dimuqraadiyeynta iyo amniga.
HBN ONLINE TV