Maxaa ka soo kordhay safarkii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee uu ku tagay furimaha dagaalka Aadan Yabaal

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho ku tagay Saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka ee ku yaalla degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, maalmo kadib markii Ciidanka Xoogga dalka ay isaga baxeen afar magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Bartamaha Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaare Barre ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay sidii uu u dhiiri gelin lahaa ciidamada iyo shacabka deegaanka oo si hagar la’aan ah ugu howlan ciribtirka kooxaha nabad diidka ah ee ku sugan deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle” ayaa lagu yiri hadalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uu kulamo la qaadan doonaa taliyeyaasha ciidamada iyo madaxda gobolka si loo dardargeliyo howlgallada socda iyo sidii loo garab istaagi lahaa ciidamada iyo Macawsleyda  deegaanka.

Booqashadan ayaa ah tii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago Aadan Yabaal. Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dadka ku takri fala awooda ciidamada.

Sida ay sheegeen saraakiil  ka tirsan dowladda Soomaaliya oo diiday in magacyadooda aan shaacino  sababo la xiriira xayiraadda lagu soo rogay ka hadalka howlgallada xasaasiga ah ee ay wadaan ciidamada dowladda,  ayaa dib uga gurtay Ceel dheer, Masagawaay, Galcad iyo Budbud.

Dib u gurashada ayaa daba socotay weerar u muuqda mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee Sabtidii lasoo dhaafay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Cowsweyne, halkaasoo markii ugu horeysay ciidamada ay ka saareen Al-Shabaab 22-kii August.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed