Maxaa ka soo kordhay dabkii ka kacay suuqa degmada Tog-Wajaale gobolka Maroodi Jeex

Dab xooggan ayaa xalay oo Sabti ah ka kacay Suuqa Wajaale oo ku yaalla Somaliland, kaas oo muddo saacado ah socday, waxaa uu ku fiday goobo ganacsi baxaad leh, waxana ka dhashay khasaaro xooggan oo aanan qiyaas laheyn.

Dabkan ayaa baabi’iyay tiro badan oo meherado ganacsi ah oo ku yaala magaalada Tog Wajaale, waxaana dabku uu qabsaday dhinaca koonfureed ee suuqaasi, kaasoo inta badan bas beelay, kooxaha gurmadka ayaa awoodi waayay in ay yareeyaan khasaraaha marka la eego xowliga uu ku socday babka oo ku sii siqiyay goobo hor leh.

Maamulka ayaa ku guuleystay in muddo ah daminta dabkaasi, isla markaana ay bad baadiyaan inta kale ee suuqaasi oo uu dabku ku dhawaaday.

Ilaa iyo hadda xog sugan lagama soo saarin khasaarihii ka dhashay dabkaas, balse waxaa lagu sheegay mid kamid dabkii ugu waxyeelada badnaa gayiga Soomaalida.

Waxa dhawaanahan ku soo badanaya deegaanada Soomaaliya gubashaada suuqaqa ganacsiga ee waaweyn, kuwaasi oo geysta khasaare laxaad leh. Dhawaan ayay aheyd markii uu gubtay Suuqa weyn ee Waaheen ee magaalada Hargeysa 1-dii bisha Abril, kaasi oo geystay khasaare laxaadleh, islamarkaana halkaasi ay ku baaba’day hanti lagu qiyaasay $2 bilyan oo doollar.

Waxa kale oo 8-dii bishii Juulay ee sanakan 2023, uu dab qabsaday Suuqa ganacsiga  Taywan ee magaalada Jigjiga, xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Suuqaasi oo ahaa halbowlaha ganacsiga magaalada Jigjiga. Halkaasi oo uu khasaare xooggani ka dhashay.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii magaalada caanku ah dahabka ee Milxo uu ka kacay dab xooggan oo dhaliyay khasaaro hanti oo xooggan.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed