Maxaa ka soconaya maanta magaaladaa Garowe oo noqotay xarun mucaarad ku ah dowladda dhexe halkaas oo ay joogaan madax hore iyo siyaasiin culus

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka furmay shir ballaaran oo wadatashi ah oo looga hadlayo siyaasadda iyo amniga dalka, si gaar ah waxaa loogu lafaguraya  arrimaha wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gudaha kulanka, siyaasiyiinta ayaa diiradda saaray habsami u socodka howlaha wax ka bedelka dastuurka federaalka, kuwaas oo diidan tallaabada dowladdu ay ku dooneysa  meel marinta  iyo wax ka beddelida arrimaha dastuurka.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha maaulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, ku xigeenkiisa Maxamed Bari, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka, iyo Golayaasha Puntland ayaa ka qeyb galay shirka.

Puntland ayaa mar kale u soo baxday xarun mucaarad ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Puntland ay kaalin mug leh ka qaadatay mucaaradnimadii dowladdii hore ee Farmaajo.

Kulamada xooggana ee ka soconaya magaalada Garowe ayaa indhaha lagu hayaa, iyada oo Villa Somalia iyo xukuumaddu ay  dadaal badan ugu jiraan sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka oo aan la dhameystirin 12-kii sano ee lasoo dhaafay, inkastoo ay  kasoo horjeesteen madaxweynayaashii hore ee Farmaajo iyo Shariif lagu daray siyaasiyiin, xildhibaanno ka tirsan labada Gole iyo maamulka Puntland, haddana waxaa lagu waddaa in kulamadaan laga soo saaro warmurtiyeed ka dhan ah danaca dowladda ee dastuurka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed