Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay warar sheegayay in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku lug lahaa weerarkii Jimcihii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 3 askari, 27 kalena ay ku dhaawacmeen.
Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in mid ka mid ah kooxihii weerarka geystay uu watay Kaarka aqoonsiga ee mid ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka si uu u maro waddooyinka, si fududna uu uga gudbo kontaroolada ciidamada ammaanka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in aqoonsiga uu lahaa Liibaan Maxamed Maxamuud oo shaqadiisa ay aheyd farsamayaqaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka, C/raxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri, ayaa cadeeyay in warqada aqoonsiga ee lagu faafiyay baraha bulshada ay tahay mid been abuur ah, isagoo sheegay in qofkaasi aanu ka tirsaneyn shaqaalaha Baarlamaanka.
Eedeymaha loo jeedinayo golaha shacabka ee baraha bulshada ayaa imaanaya kadib markii darawalkii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku biiray Al-Shabaab bishii December ee sanadkii 2022-kii.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in baaritaan degdeg ah lagu sameyn doono weerarka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Madaxweyne Maxamuud ayaa si kala gooni gooni ah u kormeeray Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ee magaalada Muqdisho labadii maalmood ee ugu dambeysay.
HBN NEWS DESK