Maxaa Ka Cusub Laas-caannood?

Muqdisho (Hbnonlinetv)-Xaaladda Magaalada Laas-caannood ayaa ah mid daggan Maanta, balse waxaa jiro dhaqdhaqaayo Ciidan oo ay waddaan labada dhibac  kuwas oo is horfadhiya duleedka Magaalada.

goobjoogyaal la hadlay Hbn tv ayaa sheegaya in ay jirto xiisad xooggan, iyada oo ay Ciidamo hor leh ay ku soo biirayaan dagaalka kuwaas oo abbaabulan.

Ciidanka deegaanka u dagaalamaya ayaa la soo warrinayaa in ay kusoo biiraan kuwa kale oo horleh, halka Ciidan kale oo dheeraad ah ay Soomaaliland geeysay furimaha dagaalk ee Waqooyika Gobolka.

Xiisadaan ayaa ku soo aadeyso Xilli maalmahaan dowladda Itoobiya ay wadday waan-waan labada dhinac ah, balse uma muuqato mid hirgaleyso maaddaama Odayaasha Dhaqanka ay Shuruud ku Xireen marka hore in Ciidanka Soomaaliland ay ka baxaan duleedka Waqooyinka Laas-caannood.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed