Ma’suuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland oo maanta arrima ku saabsan ammaanka u tagay deegaanno hoos yimaada degamada Doolow ee gobolka Gedo

Gudoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi Lafeey ayaa maanta tagay deegaanno kala duwan oo dhanka Koofur kaga beegan degmada Doolow ee gobolka, isla markaana kulamo xasaasi ah la yeeshay masuuliyiinta gobolka iyo waxgaradka oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah ee khuseya deegaannada ay booqdeen.

Kulanka ayaa looga hadlayay arrimaha amniga iyo ahmiyada ay leedahay in xoogga la saaro nabadgelyada deegaannada kala duwan ee hoos yimaad Doolow, si deegaanadaa ay u helaan adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshada.

Gudoomiyaha oo ay wehlinayan Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasadda degmada Doolow Aadan Bare Cali iyo ma’suuliyiin kale, ayaa xusay in loo baahan yahay isku tashi bulsho maamulkana ay xoogga saari doonan dhismaha xarumo Caafimaad iyo Waxbarasho.

Sido kale Gudoomiyaha ayaa odayaasha deegaanka kala hadlay sida ay muhiim u tahay inay ka qeybta qaataan wacyi gelinta arrimaha ammaanka ee gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed