Masar oo la sheegay inay Saraakiil sare u soo dirtay Soomaliya, si loo calamaadeeyo halka ciidamadeeda la dejin doono

Xogo dheeraad ah oo soo baxay ayaa sheegaya in Saraakiil Masaari ah ay diyaarinayaan goobta loo qorsheynayo inay ciidamada Masar laga geeyo gudaha Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil, la-taliyeyaal iyo kooxo farsamo oo Masaari ah ay diyaarinayaan goobta la qorsheynayo in la geeyo ciidamada Masar ee ka howlgeli doona Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin halka ay goobtu ku taallo.

Warbixin uu baahiyay wargeyska The New Arab ayaa goobta la qorsheynayo ku sheegtay deegaanka Ceel-cadde, oo u dhow garoonkii hore ee diyaaradaha Cisiley, kuna yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobtan oo waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inay qiyaastii 400 oo kiiloomitir u jirto halka ugu dhow ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya. Warbixintan ayaa ka duwan xogihii hore ee ciidamada Masar la xiriirinayay gobollada Gedo iyo Hiiraan, kuwaas oo u dhow xadka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Soomaaliya iyo Masar midkoodna si rasmi ah uma xaqiijin in Ceelcadde laga dhisayo saldhig ciidan ama xarun tababar oo loogu talagalay ciidamada Masar.

Sannadkii 2025-kii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada Masar aan la geyn doonin xuduudda Itoobiya, balse la dejin doono qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay horay uga hawlgeli jireen ciidamada Burundi ee ka qeybta ka ahaa howlgalka xalista Midowga Afrika. Wuxuu si gaar ah u xusay aagga u dhexeeya Balcad iyo Mahadaay.

Masar ayaa xaqiijisay inay ciidamo ku biirin doonto Howlgalka ee Soomaaliya ee AUSSOM.

Sidoo kale, Soomaaliya iyo Masar ayaa sannadkii 2024-kii kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah.

Bilihii u dambeeyay, wafdiyo milatari oo Masaari ah ayaa Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Wadahadallada ayaa la sheegay inay diiradda saareen tababarka, horumarinta xirfadaha iyo xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya.

Ka qaybgalka Masar ee howlgalkan ayaa la filayaa inuu taageero dadaallada amni ee Soomaaliya, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhanka kale, xiisadda u dhexeysa Qaahira iyo Addis Ababa ayaa sare u qaadday muhiimadda ay leedahay in si cad loo qeexo goobaha ay ciidamada Masar ka howlgeli doonaan iyo waajibaadka loo igmaday.

Inkasta oo ka qaybgalka Masar ee howlgalka AUSSOM la xaqiijiyay, haddana lama shaacin tirada ciidamada la soo dirayo, goobaha rasmiga ah ee la dejinayo iyo waqtiga ay dalka soo gaari doonaan. Heshiiska iskaashiga Milateri ee labada dowladood ayaa dhigaya in ciidamada Masar gaari karaan 10-kun oo kala bar yihiin mid ka howlagalka Midowga Afrika ku howlgali doona.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed