Masar cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka ku yaalla magaalada Muqdisho

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa ka hadashay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo soo baxay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa tacsi u dirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay. Wasaaraddu waxay xaqiijisay in Masar ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka taageereyso ka hortagga isku day kasta oo lagu carqaladeynayo xasilloonida dalka.

Qaahira ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay inay si adag u cambaareyneyso dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada, iyo argagixisada, iyadoo ku boorisay dadaallada wadajirka ah ee caalamiga ah ee lagula dagaallamayo.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 27 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar argagixiso oo Al-Shabaab ay Khamiistii ku qaadeen hotel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku maray in ay si degdeg ah u baarayaan weerarka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Madaxweyne Maxamuud ayaa si kala gaar gaar ah u kormeeray Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ee magaalada Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed