Masar iyo Ereteriya oo ka wada hadlay madax-baannaanida Soomaaliya in la ixtiraam xilli Itoobiya ay dooneyso biyaha Badda Cas ee gobolka Awdal

Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki ayaa Sabtidii ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika, iyagoo caddeeyay in loo baahan yahay in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya.

 

Khilaafka Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareeray ka dib markii ay Somaliland bishii January ogolaatay inay 20 Km oo xeebteeda ka mid ah muddo 50 sannadood ah ka kirayso Addis Ababa, oo ay doonayso inay saldhig ciidan iyo deked ganacsi ka samaysato degaankaas. Taasi waxay keentay in Itoobiya oo aan bad lahayn ay muddo dheer doonaysay badda cas.

Heshiiskan ka dib, Masar ayaa mar kale sheegtay inay garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ka taageeri doonto amnigeeda iyo xasiloonideeda, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax banaanida dhulkeeda.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa labada Madaxweyne waxay kaga wada hadleen xaaladda Suudaan, iyagoo si gaar ah u sheegay inay muhiim tahay in Masar iyo Eritrea ay iska kaashadaan.

Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in xal dhab ah laga gaaro xaalada cakiran ee ka taagan dalka Sudan oo ay ku jirto xabad joojin,taasi oo soo afjari karta dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee shacabka Sudan,si ay u gaaraan hadafkooda iyo rajada ay ka leeyihiin,  sugidda amniga, xasiloonida iyo horumarka dalkooda hooyo.

In ka badan 13,000 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalka Suudaan bilaawday bishii April, sida lagu sheegay qiyaas muxaafid ah oo ay soo saartay Mashruuca Xogta Khilaafaadka iyo Dhacdooyinka, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan siddeed milyan oo qof ay ku barakaceen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed