Mareykanka oo war cusub ka soo saaray in ay duqeyn ku dileen dhakhaatiir Ajnabi ah oo Al shabaab gacanta ku hayeen

Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay inaysan ku lug lahayn dilka la sheegay in lagu dilay Dhakhaatiir u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo Alshabaab ay ku eedeeyeen inay ku dileen duqeyntii Maraykanka ka geystay Somalia bishii February.

Qiimeyntii ugu dambeysay ee khasaaraha rayidka ee saddexdii biloodba mar ay daabacaan Taliska Mareykanka ee Afrika, sidoo kalena loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen meel u dhow magaalada Jilib 15-kii bishii Febraayo, balse waxay beeniyeen in duqeynta ay sababtay dhimashada dhakhaatiirta.

February 17, 2024, talisku waxa uu helay hal (1) warbixin laga soo xigtay ilo-wareed online-ka ah oo sheegaya in laba (2) qof oo rayid ah lagu dilay hawlgal ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen meel u dhow Jilib, Soomaaliya, Febraayo 15. 2024,” ayuu yiri qiimaynta.

“Talisku wuxuu soo gabagabeeyay dib u eegis lagu sameeyay xogta la hayo, wuxuuna qiimeeyay in duqeyntii Mareykanka ee February 15, 2024, aysan ka dhalan khasaare rayid ah.”

Al-Shabaab oo aan soo bandhigin wax cadeymo ah ayaa xilligaas sheegtay in “duqeymo xagga cirka ah” ay ku dileen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Labadan qof ayaa gacanta maleeshiyada ku jiray tan iyo bishii April ee sanadkii 2019-ka, markaasoo laga soo afduubtay degmada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed