Mareykanka oo Soo Saaray Go’aanka Ciidankiisa Joogo Soomaaliya Kadib…

Mareykanka ayaa war ka soo saaray Ciimadiisa Soomaaliya joogo kadib  moowshin uu gudbiyay mid kamid ah Xillibaanada dalkaasi bilihii la soo dhaafay, kaas oo ku dhawaaqay qaraar culus oo Soomaaliya laga soo saaraayo Ciidanka mareykanka.

Aqalka Congresska dalka Maraykanka ayaa ka hor yimid qaraarkaas  lagu dalbanayay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya laga soo daad gureeyo sanad gudihiis.

Cod loo qaadayay golaja wakiilada ayaa 321 ka mid ah xubnaha Congresska ayaa ka soo horjeestay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, halka ay taageeren 101 Xildhibaan.

Xildhibaanka golaha horkeenay qaraarkan Matt Gaetz ayay ujeedadiisu ahayd in laga saaro Soomaaliya, ilaa 900 oo askari oo Maraykan ah, balse xildhibaannada ka soo horjeeda qaraarkan ayaa waxay ku doodayaan in go’aankan uu wax u dhimayo amniga Qaranka Maraykanka, uuna sababi karo in argagaxisada ay ku xoogeysato geeska Afrika.

Labada aqal ee baarlamanka Mareykanka ayaa bishii hore sidoo kale diiday qaraar ku saabsanaa in la soo saaro ku dhawaad 900 oo askari oo ku haray Siiriya..

Madaxweyne Biden ayaa oggolaaday in 500 oo askari oo Mareykan  ah dib loogu celiyo Soomaaliya sannadkii hore ka dib markii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump uu Soomaaliya  ka saaray ciidankaas.

Mareykanka ayaa ah waddamada Soomaaliya ka taageero dhanka Saanadka Ciidanka, dhaqaalaha, waxaa uuna qeyb ka yahay dalalka sid xooggan uga qeyb qaadanaya dagaalka Al shabaab.

HBN News Desk.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed