Mareykanka oo shaaciyay dilka xubno ka tirsan Al-shbaab oo lagu dilay Jubada Hoose

Qoraal kooban oo ay soo saareen Taliska ciidamada  Mareykanka Afrika ee loo yaqaano AFRICOM shaaciyay in ay dileen xubno ka tirsan Alshabaab duqeymo ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose,bartilmaameedka ayaa ahay mid qorsheysan, oo ay ka qeyb qaateen ciimada Soomaaliya kuwaas oo waday howlgallo dhulka ah, halka iyagu ay fuliyeen duqeyn cirka ah.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanno ku dhaw degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, waxana lagu dilay 10 dagaal yahan oo ka tirsan Al-shabaab, halkaasi oo ay ku dagaalamayeen Ciidanka Soomaaliya iyo Alshabaab, AFRICOM ayaa bayaanka ku sheegtay in ay ka jawaabeen fariin kaga timid dowladda Soomaaliya

Warkaan ayaa imanaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay shegtay in howlgalkaasi ay ku dileen in ka badan 40 xubnood oo Al shabaab ah, oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sar sare.

Dowladda Sooomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan dalka uu ka bilaaban doono howlgallo millatari ooka dhan ah Alshabaab, wajigiisa labaad, waxana ka qeyb qaadanaya saaxiibada taageero Soomaaliya, Mareykanka ayaa kamid ah dowladdaha Soomaaliya ka taageero howlgallada cirka ah.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed