Taliska dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo CENTCOM ayaa maanta ku andacooday inay iska caabiyeen weerar ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ku bartilmaameedsanaysay laba markab oo dagaal oo Mareykanku leeyahay xilli ay ka gudbayeen Gacanka Cadmeed ee koonfurta Yemen labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
“Maraakiibta dagaalka ee ciidanka badda Mareykanka ee USS Stockdale iyo USS O’Kane ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan weerar hubeysan oo kooxda Xuutiyiinta kusoo qaadeen iyagoo ka gudbayan Gacanka Cadmeed 30-kii Noofembar & 1-dii Diseembar ,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay CENTCOM.
Sida ku xusan bayaanka, “labada markab dagaal waxay galbinayeen saddex markab ganacsi oo Mareykanku leeyahay, islamarkaana watay calanka Mareykanka”
“Weeraradaas halista ah wax khasaare ah uma geysan dadka Mareykanka ah, maraakiibtooda ganacsi, ama kuwa dagaalka”, ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay “labada markab dagaal ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan 3 gantaal oo nooca lidka markabka ah, 3 diyaaradood oo drone ah, iyo gantaal cruise ah, taasoo xaqiijisay badbaadada maraakiibta, shaqaalahooda, iyo sidoo kale maraakiibta ganacsi iyo shaqaalaha saaran.”
Habeenimadii xalay kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen markab dagaal iyo 3 markab oo Mareykanku leeyahay iyagoo adeegsanaya 16 gantaal oo nooca ridada dheer ah iyo diyaarado drone ah, sida lagu sheegay hadal laga sii daayey telefishanka oo uu jeediyey afhayeenka milatariga kooxda, Yahya Sareec.
“Tallaabooyinkaan waxay muujinayaan sida Ciidamada Dhexe ee Mareykanka ay ugu heellan yihiin inay ka difaacaan ciidamada Mareykanka, saaxiibbada gobolka, iyo maraakiibta caalamiga ah weerarada kooxda Xuutiyiinta oo ay taageeraan Iran,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo sheegaya inay taageerayaan Gaza oo wajahaysa dagaal halis ah oo Israa’iil ay wado isla markaana taageere ka helaysa Mareykanka, Xuutiyiintu waxay bartilmaameedsanayaan maraakiibta Israa’iil ama kuwa xiriirka la leh ee maraya Badda Cas, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya, iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado drone ah.
Sidoo kale Xuutiyiinta ayaa weeraro gantaal iyo drone ah ku qaaday Israa’iil waxaana ay dhawr mar fuliyeen hawlgallo lagu bartilmaameedsanayo Talaabiib.
Tan iyo bilowgii sanadkan, isbaheysiga uu Mareykanku hoggaaminayo ayaa fuliyey duqeymo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsanayaan “goobaha ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta” ee Yemen, taasoo jawaab u ahayd weerarada badda ee kooxda, kuwaas oo mararka qaar ay jawaab ka bixiyeen Xuutiyiinta.
Bishii Janaayo ayey ahayd markii Washington iyo London ay bilaabeen hawlgallada ka dhanka ah Xuutitiinta waxaa sara u kacday xiisadda, waxaana taasi beddelkeedii Xuutiyiintu ay ku dhawaaqeen inay beegsan doonaan maraakiibta Mareykanka & Ingiriiska.
HBN Online TV