Xafiiska Hantidhowrka Mareykanka u qaabilsan xakameynta hantida ajnabiga ah (OFAC) ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah shabakad ballaaran oo lagu eedeeyay inay lacago u xawisho kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto dowladda Soomaaliya . Shabakaddan oo ku baahsan Geeska Afrika, Imaaraatka Carabta iyo Qubrus, ayaa waxaa ku lug leh 16 hay’ado iyo shaqsiyaad, oo ay ku jiraan ganacsato caan ah, kuwaas oo hawlahooda u isticmaalaya inay taageeraan kooxda.
Al-Shabaab, ayaa mas’uul ka ah weerarro badan oo lagu hoobtay oo ka dhacay Bariga Afrika, waxayna sannad walba ururiyaan in ka badan 100 milyan oo doollar, oo ay u badan tahay wax lagu tilmaamay baad iyo taageerada shirkadahan ganacsiga la leh. Mareykanka, oo hoos imaanaya Amarka Fulinta ee 13224, wuxuu bartilmaameedsadaa kooxaha iyo shakhsiyaadka caawiya argagixisada, isaga oo ujeedadiisu tahay in la burburiyo kaabayaasha dhaqaale ee hay’adahaas.
“Maraykanka waxaa ka go’an in uu la shaqeeyo saaxiibada gobolka si loo ciribtiro shabakadaha maalgelinta argagixisada iyo hay’adaha ay ku takri falaan si ay u ururiyaan oo ay u dhaqaajiyaan dhaqaalaha,” ayuu yiri Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson. ”
Tallaabada waxay qayb ka tahay dadaallo dhinacyo badan leh oo ay waddo Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya si ay u taageerto dagaalka dhaqaale ee dowladda Soomaaliya ay kula jirto al-Shabaab-mid ka mid ah saddexda tiir ee ololaha ay ugu jiraan hoos u dhigista kooxdan argagixisada ah .”
Shaqsiyaadka muhiimka ah ee shabakada la cunaqabateeyey waxaa ka mid ah Shirkado fadhigeedu yahay Dubai, iyo sidoo kalena Shirkadda Ganacsiga oo ku yaal Imaaraadka Carabta. Hay’adahan oo ay weheliyaan shaqsiyaad kaalin mug leh ka qaatay dhaq-dhaqaaqa lacag-dhaqidda al-Shabaab iyagoo ku gabbanaya hawlo ganacsi oo ka socda dalal kala duwan, sida lagu sheegay bayaanka.
Waxaa intaa dheer, ka-qaybgal kasta oo lala yeesho hay’adaha iyo shakhsiyaadkaas waxay halis gelinaysaa cunaqabatayn labaad, gaar ahaan saamaynaya hay’adaha maaliyadeed ee ajnabiga ah kuwaas oo si ula kac ah u fududeeya macaamil ganacsi oo muhiim ah dhinacyada la xayiray.
HBN NEWS DESK