Mareykanka iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis shan sano ah oo dhanka difaaca ah

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa  amaanay waxa uu ugu yeeray “Xiriirka adag” ee ka dhaxeeya ciidamada Mareykanka iyo Kenya xilli uu kula kulmay ciidamada labada dal ee ku sugan Camp Simba ee Manda Bay ee Kenya.

Mareykanka iyo Kenya ayaa Isniintii kala saxiixday heshiis shan sano ah oo dhanka difaaca ah kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada ee Bariga Afrika iyo in lagu taageero dadaalka Kenya ee ah in ay hoggaanka u qabato howlgalka ammaanka ee Haiti.

Austin waxa uu sheegay in Maraykanku “uu uga mahad-celinayo Kenya hoggaankeeda la tacaalidda caqabadaha amni ee gobolka iyo adduunka oo dhan” wuxuuna uga mahad-celiyay waddanka sida ay ugu diyaar-garoobeen inay hoggaanka u qabtaan ciidammo caalami ah oo ammaanka si ay ula dagaallamaan kooxaha burcadda ah ee Haiti.

Waxa uu sheegay in maamulka Biden uu Congress-ka kala shaqayn doono sidii loo heli lahaa 100 milyan oo doolar oo dhaqaale ah oo uu ugu yaboohay howlgalka Haiti usbuucii la soo dhaafay isagoo garab socday golaha guud ee Qaramada Midoobay.

“Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu taageero howlgalkaas muhiimka ah isagoo siinaya kaalmo dhaqaale iyo mid saadka,” ayuu yiri.

Austin waxa uu ku booriyay ummadaha kale in ay ku daydaan Kenya oo ay siiyaan shaqaale dheeraad ah, qalab, taageero, tababar, iyo maalgelin howlgalka nabad-sugidda qaranka ee la qorsheeyay ee Haiti.

Kenya ayaa ballan qaaday in ay 1,000 askari oo ammaan ah u diri doonto dalka Haiti si ay uga hortagaan rabshadaha kooxaha gaangiska ah ee soo kordhay tan iyo bishii Luulyo 2021-kii ee la dilay madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse. Hawlgalka amniga, oo aan weli la ansixin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa waxaa codsaday ra’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed