Hanti-dhowrka Soomaaliya oo digniin u diray Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda 

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda inay ku xad-gudbayaan madax-bannaanida sharci iyo dastuur ee xafiiska, gaar ahaan awoodda uu u leeyahay baarista iyo dabagalka hay’adaha dowladda.

War saxaafadeed ka soo baxay Hanti-dhowrka ayaa lagu sheegay Xafiiska uu yahay hay’ad dastuuri ah oo madax-bannaan, lehna madax-bannaani maamul iyo maaliyadeed, iyadoo lagu dhisay Qodobka 177-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka ayaa waxaa Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka lagu faray inuu si buuxda u dhowro madax-bannaanidiisa dastuuriga ah ee Hanti-dhowrka, isagoo ka digay in aan la qaadin ama la dhaqan-gelin tallaabo, go’aan ama habraac wax u dhimaya, xaddidaya ama ka hor imaanaya awoodaha iyo nidaamka sharciyeed ee Xafiiska.

Sidoo kale, Wuxuu carrababay in Awoodaha iyo waajibaadkiisa lagu qeexay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee 2019 iyo Sharciga Hanti-dhowrka Guud ee 2023, isaga oo sheegay in uu yahay hay’adda ugu sarreysa ee Dowladda Soomaaliya ee u xilsaaran hantidhowrista, diiwaangelinta iyo ilaalinta hantida danta guud, iyo sidoo kale kormeerka iyo dabagalka maareynta kheyraadka iyo macaamillada maaliyadeed ee dowladda.

Ilaa hadda kama aanu jawaabin guddig shaqaalah rayidka dowladda Soomaaliya digniintan ka soo baxay Hanti-dhowrka guud.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed