Mareykanka & 5 dal oo kale oo isku raacay xoojinta ammaanka Somalia

Wakiilo ka socday wadamada Mareykanka, Turkiga, Qadar, Ingiriiska, Imaaraakda Carabta iyo Soomaaliya oo shir lix geesood ah ku yeeshay magaalada Washington ayaa looga hadlay dagaalada ka socda magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow ee gobolka Sool.

Shirkan oo ku aadanaa ammaanka Soomaaliya iyo sidii gacan dalalkan uga gaysan lahaayeen xasilinta Soomaaliya ayaa waxaa walaac looga muujiyay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabad-joojinta, dajiyaanna xiisadda, ayna ogolaadaan gargaarka bani’addannimo, islamarkaana ay yeeshaan wada-hadallo nabadeed.

War saxaafadeed shirkan ku saabsan iyo qodobadii ka soo baxay oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibada ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dalalka shirka yeesheen ay ka walaacsan yihiin xasaradaha bani’aadannimo ee weli ka jira Soomaaliya, oo ka dhashay abaartii ugu xumeyd ee abid ku dhufata Soomaaliya.

Dalalkan ayaa taageero u muujiyey sida Soomaaliya ay diiradda u saareyso ka-hortagga argagixisada iyo tayeynta awoodaha dowladnnimo, waxayna sidoo kale diirada saareen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka dawlada Soomaaliya wado ee ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab, iyo isu-diyaarinta ciidamada ATMIS oo la filayo in la dhimo.

Wakiilada matalayay dalalkan waxay qalinka ku duugeen in la xoojiyo isku xirka kaalmada amni ee caalamiga ah ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay xaqiijinta gargaar xasilin oo la gaarsiiyo deegaanda laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, waxyana ballanqaadeen in ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto in ay buuxiso nidaamka maamulka hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu awood ugu yeesho in uu si buuxda u qaado xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

Dalalkan waxay sheegeen inay dhiirigelinayaan, oo ay taageeraan geeddi socodka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya (NCC) ee horumarinta dib u heshiisiinta siyaasadeed iyo in la ballaariyo doorarka iyo mas’uuliyadda heerarka dawladeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto dhammaystirka dastuurka.

Waxay soo dhaweeyeen taageerada dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ee caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha deg degga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato isbeddelka cimilada ee mustaqbalka.

Dalalka Qatar, Soomaaliya, Tukiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka waxay isku raaceen inay sii wadaan ayna ka shaqeeyaan arrimahan,  islamarkaana ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, saddexda bil ee soo socota gudahood, si ay u sii wadaan wadahadallada, islamarkaana dib ugu eegaan horumarkii la sameeyey.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed