Madaxweyneyaashii hore ee Farmaajo, Shariif oo ugu baaqay Baarlamaanka inay diidaan Dastuurka wax laga beddelay balse maxaa dhacay soo jeedintooda kaddib

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu iska dhaga tiray baaqooda ahaa inuu joojiyo wax ka bedelka iyo dib u eegista Dastuurka dalka ka hor inta aysan maanta ansixin baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraalo kala duwan oo ay soo saareen , Farmaajo iyo Shariif ayaa waxay ku nuuxnuuxsadeen in haddii Baarlamaanka uu ansixiyo soo jeedinta wax ka bedelka lagu sameeyay, ay taasi ka dhigan tahay waddo halis ah oo halis ku ah sharcinimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay dib u eegaan, laakiin baaqooda looma joojin.

Sidoo kale, Madaxweynayaashii hore ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyo damac uu ku doonayo inuu gacanta ku dhigo labada Aqal ee Baarlamaanka, taasoo caqabad ku noqon doonta la xisaabtanka dowladda.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay in a Dastuurka KMG ah ee dalka oo wax ka bedel lagu sameeyay, iyadoo fadhiga wadajirka ah uu maanta oo Sabti ah ka furmay magaalada Muqdisho.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed